November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Taliyaha ciidanka Booliiska oo Khartuum jooga lana tusay sida loo baadho qaraxyada iyo qaybta cadaymaha qofka+SAWIRO

Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed General  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdigi uu hogaaminayay oo ayaa Kulan la yeeshay dhigiisa dalka sudan,

Kulankan oo ay labada dhinac kawada hadleen arrimaha Ciidanka Booliska ayuu Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia ka warbixiyay Xaalada Ciidanka Somalia iyo marxalada ay haatan ku shaqeeyaan.

Kulankan is wareysiga ahaa kadib ayuu wafdigu booqday Xarumaha Ciidanka Booliska ee Sudan,

Ugu horeyn wafdiga ayaa ku hormaray Xarunta Dambi Baarista Dalka Suudaan iyagoo halkaa kula kulmay mas’uuliyiinta Xaruntaas sidoo kale Saraakiisha Soomaaliyeed loo soo bandhigay Qaar kamida Eeyaha sida gaarka u tababar oo ka koobnaa ilaa Sadax qeybood oo kala ahaa Qaybta Baarta Qaraxyada, Qaybta Baarta Mukhadiraadka iyo Qaybta soo qabata Dambiilaha

Inta  kadib ayuu wafdigu Booqday Xarunta Tarafikada ee dalka Sudan iyagoona warbixino isweydaarsaday Maamulka Xaruntaas   Xarunta iyo sida ay u shaqeyso Taraficada Dalka sudan

Wafdiga oo Maalmo kooban ku qaadan Doono Dalka Suudaan ayaa lagu wadaa inay booqdaan Xarumo kala Duwan sidoo kalena Heshiiso Cusub saxiixaan kuwo Horena soo Cusbooneysiiyaan.

BH0A9252[1] BH0A9312[1] BH0A9376[1] BH0A9399[1] BH0A9416[1] BH0A9428[1] BH0A9440[1] BH0A9447[1] BH0A9463[1] BH0A9468[1] BH0A9469[1] BH0A9472[1] BH0A9477[1] BH0A9479[1] BH0A9487[1]