20/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Taliyaha ciidanka oo sheegay cida argagixisadu u adeegsato isqartxinta iyo xasuuqyada masaajida

Taliyaha ciidanka ayaa sheegay cida argagixisadu u adeegsato isqartxinta iyo xasuuqyada masaajida hortooda ka dhaca kuwaas oo argagixisadu dadka dilaan xilliyada ay salaada ka baxaan.
Dadka qaar ee ku nool Muqdisho ayaa masaajida u daayay maadaama lagu beegsanayo beydka Ilaah oo argagixisadu ka xishoon meelna.



Munaasabada dhimirka oo maanta lagu qabtey Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafnta, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Qaar ka tirsan Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.



Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in argagixisadu Qaraxyada ay uga faa’ideystaan dadka qaba dhaawacyada qarsoon (dhimirka La’) kuwaasi oo uu sheegay in ay aaminsan yihiin in ay wado sax ah ku socdaan, maadaama maskax ahaan aysan caafimaad qabin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS