Taliye Cusmaan Nuur Subagle oo ahaa taliyihii ciidanka midowga Afrika ayaa xilka wareejiyay kuna wareejiyay taliye kale oo Afrikaana oo lagu bedelay. Is bedelkaan ayaa kas dhacay Muqdisho.
Taliye Cusmaan Nuur Subagle ayaa ka soo jeeda Jabuuti halka kan lagu bedelay oo lagu magacaabo Jim Besigye Owoyesigire uu ka soo jeedo dalkaasi Yugaandha oo ah lafdhabarta la dagaalanta argaixisada.
Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Howlgalka AMISOM Ambasaddor Francisco Madiera, Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo Saraakiil Dowladda Federaalka ka tirsan ayaa goob joog ka ahaa Munaasabadda xil wareejinta, oo jawi wanaagsan ku soo dhamaatay.
Hadii aan hal iyo laba ka dhahno Taariikhda Taliyaha cusub, wuxuu Taliye ka soo nqoday Ciidanka Cirka iyo Dhulka, sidoo kale wuxuu leeyahay ku dhawaad 40 Sano oo xirfad Ciidan ah, isaga oo heysta labo shahaado Darajada 2-aad ee Masterka ah oo dhinaca Millatariga, Istiraatiijiyadda iyo xallinta khilaafaadka ah.
Jen. Subagle oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad uga shalaynayo isaga oo aanan Al-shabaab ka xureyn dalka inuu xilka wareejiyo balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay shaqada sii wadi doonaan Taliska cusub ee AMISOM.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS