X

Wasiir dawlaha dekedaha Puntland oo toogasho lagu dhaawacay iyo askari loo qabtey

Wasiir dawlaha dekedaha Puntland ayaa toogasho lagu dhaawacay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dhaawacay Wasiiru dowlihii wasaaradda dekaddaha Puntland, Axmed Saciid.



Rag hubaysan ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday wasiir dowlaha, kaasoo haatan xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Boosaso.



Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Kooxihii ka dambeeyay dhaawaca Wasiir dowlaha.

Puntland ayaa waxa ka dagaalama dhowr kooxood oo kala duwan waxana ka mida argagixisada, iyo siyaasadaha is diidan ee gobolka Bari oo mararka qaar hubeysan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.