November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Taliye ka tirsan ciidanka Puntland oo Gaalkacayo lagu diley

Taliye ka tirsan ciidanka Puntland ayaa Gaalkacayo lagu diley. Taliyahan ayaa ahaa madaxii ciidamada Inji ee maamulkla Puntland ee magaalada Gaalkacayo.



Sarkaalkaan ayaa la dilay, oo lagu magacaabo Qaleey Yuusuff ayaa xilligaas ku sii jeeday xaafadiisa, uuna ka tagay xerada Inji ee Magaalada Gaalkacyo sida aan warka ku helayno.

Dadkii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaan ayaa durbadiiba meesha ka baxsaday, waxaana wararka ay sheegayaan in kooxaha dilka gaystay wajiyada u duubnaa oo ay macquul yihiin inay yihiin argagixisada.



Ciidamada Puntland oo dilka kadib tagay goobta ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano aan cidna lagu soo qaban.

Gaalkacayo ayaa waxa ka jira dilal noocyo badana oo qaarkood u dhexeeyo maamulada halka kuwa kalana ay fuliyaan argagixisada Shabaab ee labada ku cadow ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS