X

Taliye ku xigeenkii argagixisada ee Shabeelaha hoose oo la khaarajay

Taliye ku xigeenkii argagixisada ee Shabeelaha hoose oo la khaarajay. Ciidamada xooga dalka ee baacsanaya argagixisada xasuuqda dadkeena ayaa taliyaha ku khaaraj duleedka Awdheegle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa idaacada ciidamada qalabka sida u xaqiijiyay in argagixiskan oo lagu magacaabo Maxamad Abu-Cabdalla la diley.

Howlgalka lagu dilay horjogahaan waxa fuliyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala shabeellaha hoose.



Saraakiisha ciidanka xoogga dalka waxa ay sheegeen xilliga uu dhacayay Howlgalka lagu dilay horjogahaan uu waday qorshe dagaal ka dhan ah ciidamada dowlada ee fariisimaha ku leh gobolka Shabeelaha hoose.



Ugu dambeyn Saraakiisha ayaa tilmaamay in magaca saxda ah ee argagixiskan la soo bandhigi doono. Argagixisada ayaa caado u ah inay magaca badalaan wejiga xirtaan maadaama waxay wadaan ay BUG tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.