X

Somalida ku nool deegaanada Oromada oo cabsi la soo deristay

Somalida ku nool deegaanada Oromada ayaa cabsi la soo deristay. Weerarada ay Oromada ay ku beegsanayaan bulshada Somaliyeed ee ku nool deegaanadooda ayaa sii kordhey.



Falkii ugu dambeeyey ayaa xalay lagu weeraray Soomaalida ku nool magaalada Nazareth ee Oromadu degan yihiin halkaas oo ayna jirin askar dhexdhexaad oo ilaalisa Somalida.

Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in guryahoodii ay ka carareen oo ay u baxsadeeen caasimadda Itoobiya. Oromada ayaa xasuuq xun u gaysatey Somali aan waxba galabsan.



Dadka Oromada ah oo weerarada soo qaadaya ayaa la sheegay in ay ku hareereysan yihiin guryaha ay degan yihiin Soomaalida.

Dadaalada socda ayaan ilaa hadda laga keenin wax natiija ah oo lagu joojinayo xasuuqa Oromadu wado.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.