Taliye xigeenka booliiska Somaliyeed Sakiya Xuseen ayaa war ka soo saartey xadhiga wasiir ka tirsanaa Jubbalaan oo lagu magacaabo Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan). Taliyaha ayaa qoraal kooban ku sheegtay in loo xirey dembiyo uu galay.
“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska ayay tiri taliye Sakiya”.
Ninkaan la xirey ayaa Axmed Madoobe u magacaabay wasiirkiisa amniga. Axmed Madoobe oo war ka soo saaray xadhiga wasiirkiisii hore ayaa dalbadey in la sii daayo.
Dawlada ayaa sheegaysa inuu galay dembi halis ah ayna tahay in la abaal mariyo. Waxase la sugaa baaritaanka ay dawladu bilowdey wixii ka soo baxa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS