X

Taliyihii Axmed Madoobe ka celiyay Kismaayo oo ka hadley sidey wax u dhaceen

Taliyihii Axmed Madoobe ka celiyay Kismaayo ayaa ka hadley sidey wax u dhaceen. Sareeyo guuto Cali Maxamed Maxamuud oo xilka loogu wareejiyay magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo ayaa ku tilmaamey talaabadaasi mid dawladnimada baalmarsan.


“Falka dhacay maahan wax ku haboon dawladnimada Aniga iyo Saraakiil kale oo ila socotay markii ay garoonka caga dhigatay diyaaraddii na wadday intaanan ka dagin waxaa noo yimid labaatan wiil oo askar ah oo aysan la socon wax masuuliyiina ,waxayna noo sheegeen in aanan ka dagi Karin diyaaradda anaguna sidii ayaan yeelnay oo Garbahaarey ayaan u duulnay, waxaana kuu sheegayaa in bartilmaameedku uu aniga ahaa” ayuu yiri Taliye Cali Maxamed Maxamuud (Bog-madoow).


Taliyaha ayaa sheegay inuuna Axmed Madoobe kala tashanayn inuu guto waajibka loo soo magacaabay oo ay uGu weyntahay in argagixisada laga sifeeyo Jubooyinka iyo Gedo oo ay ku badan yihiin.


Maaha markii ugu horeysay ee Axmed Madoobe Kismaayo ka celiyo masuuliyiin ka socota dawlada dhexe. Wuxuuna dhinaca kale codsaday in madaxweyne Farmaajo soo farogeliyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.