X

Meydka argagixisadii lagu diley weerarkii shalay oo welli yaala isla halkii lagu diley

Meydka argagixisadii lagu diley weerarkii shalay oo welli yaala halkii lagu diley. Argagixisadan oo afara oo lays dulsaaray ayagoo xiran tuute cusub oo dhawaan ciidanka loo qaybiyay ayaan urtooda welli layska aasin.


Argagixisada oo ay la shaqeeyaan qaar ka tirsan ciidanka dawlada loo qorey iyo mucaaradka aan ogoleyn in dawladnimo dhalato ayaa tuutaha cusub markiiba hore ka siiyay.


Afartan argagixis ee meydkoodu ku urayo goobta ayaa la dulsaaray joodari cadceeda ka celiya.

Baaritaano dawladu wado ayaa durba la ogaadey shaqsiyaadka ku jira ciidanka ee direyskooda ka iibsada argagixisada. Meydkan argagixisada ee welli yaala halkii lagu diley ayaa loo aasi waayay bal in argagixisada kale ku cibro qaataan.


”Waxa jira munaafiqiin nagu jira nagana jira oo xogta ciidanka iyo dhan walba siiya argagixisada Wahaabiyada ee dhiigeena xalaashatey ayuu yiri sarkaal u Hadley ciidanka amniga.

Tuutahan ay xiran yihiin argagixisadu waxa dhawaan la siiyay ciidan uu tababar u soo xirey raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.