X

Taraawiix waxay u gaar tahay bisha barakaysan ee Ramadaan hadaba sidee ku timi

Nimcooyinka bisha barakaysan waxa ka mida salaada Taraawiixda oo ah sunne rasuulkeena SCW uu tukadey. Hadaba waa maxy taraawiix.

Taraawiix macnaheedu waa nasasho iyo maskax-dejin taas oo ku timi in la nasto marka afar rakacadood la tukado. Taraawiix waa salaad la tukado salaada cishaha kadib mana tukan kartid adoon tukan salaada faradka ah ee cishaha.


Sidee ku bilaabantey

Sanadkii ugu dambeeyay ee nolosha rasuulkeena SCW ayaa rasuulkeenu habeen soo baxay wuxuuna tukadey salaada taraawiixda waxana habeenkaa ku xidhey dad tirsan. Habeenkii ku xigey dad intii habeenkii ka horeeyay ka badan ayaa ku xidhey maadaama lays wada gaarsiiyay. Habeenkii sadexaad intii in ka sii badan.

Habeenkii afraad masjidku waa buux dhaafay oo meel cagta la saaro ayaa la waayay waxana la sugey rasuulka CSW inuu yimaad, waana la sugey oo la sugey.


Waxase dhacdey in rasuulku habeenkaas aanu iman masjidka oo gurigiisa isaga tukadey taraawiixda. Waxana laga soo xigtey rasuulkeena CSW inuu yiri cid iga joojisay inaan idiin imaado ma jirin waxaanse ka baqay inay farad idinku noqoto. (Saxiix Muslim).

Rasuulkeena CSW xaaskiisa Caasha ayaa laga soo weriyay inuu salaada taaawiixda habeenkii tukan jirey 4 rakacadood iyo 4 rakacadood isagoo afartaa rakacadood dhexdoodana nasan jirey. Kadibna tukan jirey 3 rakacadood oo witir ah.


Shanta salaadood ee faradka ah ayaa ka muhiimsan taraawiixda

Wixii mudadaa ka dambeeyay xilligii Abubakar Sadiiq iyo horaantii xilligii Cumar Binu Khadaab waxa dadku u tukan jireen kali kali iyo koox koox yar. Waqti dambe ayaa Cumar Binu Khadaab isku aruuriyay una yeelay hal imaam oo ay ku daba tukadeen, waxayna tukadeen 8 takacadood ilaa markii dambe loo kordhiyay lagana dhigey 20 ilaa 36.

Rasuulkeenu ma jideeyay inta rakacadood ee la tukado taraawiixda: jawaabtu waa MAYA. 

Allaahu aclam

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.