X

Taram oo Buutin ka codsaday inuu degdeg ula soo gaadho qalab caafimaad

Xagjir Taram ayaa ka codsaday madaxweynaha Ruushka Buutin inuu degdeg ula soo gaadho qalab caafimaad oo dalkiisu aad ugu baahan yahay. Waxa qalabkaas ka mida kuwa hawo-siinta. Waxa garoon ku yaala caasimada Moosko ka baxday diyaarad xamuula oo ay ka buuxaan qalab caafimaad.

Sawika hoose waa diyaarada xamuulka

 


Qalabka ka hortaga cudurka Kooro ee Taram ka dalbaday waxa ka mida kabaha la xirto xilliga loo tagao bukaanka, galoofiska, hawo-siinta bukaanka naqafku ku dhego iyo kuwo kale. Maraykanka oo hadda ah xudunta cudurka ayaa qalabkan haysanin.


”Inaan is garabsano xilli sidan u adag wax kale oo aan ku doorsano ma jirto ayuu uiri Taram oo sheegay in Ruushka ku mahadsanid caawimada. Waxaan abaalka guddi doonaa marka warshadahayaga la qabsadaan wax soorka qalabkan caafimaad haddii Ruushku u baahdo ayuu raaciyay.


Maraykanka ayaa sidoo kale u qaylo dirtey Shiinaha oo ah halka cudurkan ka soo baxay inuu ka caawiyo tijaabada cudurka iyo qalab caafimaad.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.