20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Taram oo u hanjabay maxkamada caalamiga ee dambiyada

Xagjir Taram ayaa u hanjabay maxkamada caalamiga ah ee dembiyada ay galaan xubnaha ka mida dawladaha. Taram ayaa ku faraxsan in wadamada qabtaan ninka ay u arkaan inuu dembiyo galay halka kuwiisana u diidey in la qabto.



Waxaan saaraynaa cunaqabatayn xubnaha ku jira maxkamad iyo qoysaskooda haddii ay joojin waayaan dhiigmiiratada Maraykanka ah ee xasuuq ka soo gaystey wadamada Ciraaq iyo Afganistaan ayuu lagu yiri war saxaafadeed.



Waxay dhinaca kale u digeen in maxkamad la saaro saraakiisha Yuhuuda ee xasuuqa xun ka gaystey dhulka Falastiinta. “Waa kibir weyn oo macnaheedu yahay kaagana waan xukumaynaa kaayagana ma xukumi kartid oo waa muwaadiniin ayuu yiri Xuseen Warsame.



Si kastaba ha ahaatee saraakiisha maxkamada caalamiga ah ee dembiyada ayaa sheegtay inay wadayaan dembina ku soo oogi doonaan saraakiisha Maraykanka ah ee gaystey dembiyo ka dhana Bani aadamka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS