X

Tartan loo galay duqa degmada Garoowe ee Buntland oo lagu kala baxay: SAWIRO

Garoowe oo uu ka dhacay tartanka gudoomiyaha degmada. Musharaxiinta kala ah Axmed Bare Siciid Muuse iyo Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke ayaa ku tartamaayay Duqa Magaalada Garoowe.


Goobta ay doorashadu ka dhacday waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha Gudaha iyo dawladdaha hoose C/laahi
Timacade iyo kuxigeenkiisa iyo Wasirka Caafimaadka Puntland.


Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Garoowe ayaa ka kooban 27 Xubnood oo dhawaan la soo xulay .
Doorashada ayaa waxaa ku guulaystay Axmed Bare Siciid Muuse oo helay 18 cod , halka Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke helay 8 cod.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.