X

Marka oo la geeyay ciidan booliisa iyo gudoomiye ka waramay xaalada magaalada

Marka oo la geeyay ciidan booliisa iyo gudoomiye ka waramay xaalka magaalada. Ciidamada Millatariga Soomaaliya oo bartamihii bishan la wareegay magaalada Marko ayaa hawlgalo ka dhana argagixisada ka wada degaanada dhaca xeebaha sida Jillib-marka iyo Gendershe.


Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo la hadlay saxaafada maxaliga ah ayaa sheegay in ciidamadan la geeyay Marka ay yihiin kuwa yar, wuxuuna dalbaday in la soo kordhiyo.


“Mar hadii Boolis ay yimaadeen waxan rajeyneynaa in magaalada xaaladeeda ay wax iska bedelaan, ciidan hordhac oo Boolis ah ayaa la keenay, waxaan fileynaa in la soo kordhiyo ciidankan, magaalada xaaladeeda waxa ay tahay mid degan oo shacabka ay dib ugu soo laabanayaan”. Ayuu yiri Guddoomiye C/fataax Xaaji.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.