Tartanka Sucuudiga ee awrta ayaa ceeb ka soo baxdey. Carabta Sucuudiga ayaa dhaqan u ah inay awrta tartansiiyaan, hadase tartankan ayaa waxa lagu kala helayaa lacag gaaraysa 40 milyan oo doolar.
Awrta ayaa laga rabaa inay qaab leeyihiin, ka qurxoon yihiin faruuryaha, murqaha iyo tuurta. Waxa hadaba dhacdey in tartameyaasha qaarkood ay awrtii xamuurado u soo mariyeen iyo daawada da’da yaraysa.
Xaakim ayaa u fiirsadey awrta qaar waxana dhacdey in halkaa lagu reebay dhowr tartame oo iyagu awrta ugu labisay xamuurado ama daawooyinka laysku qarxiyo oo qaarkood weyneeya jirka awrta qaar sida faruuryaha iyo sanka.
Waxa kaloo tartanka awrta ku jira orodsiin iyo caanahooda oo la dhadhamiyo.
Carabta Sucuudiga ayaa ku dhaata tartanka awrta oo dalka xirxiran laga bilaabey sanadii 2000.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay