X

Tayib Erduqaan oo isla markiiba diyaarado ku weeraray Kurdiyiinta Suuriya

Madaxweynaha Turkiga oo kaalin burburina ka ciyaaraya Suuriya ayaa isla markii xagjir Taram u fasaxay inuu ciidankiisa la galo Suuriya weerar dhinaca circa ku qaday Kurdiyiinta dalkaasi.


Kurdiyiinta dalkaasi oo kaalin weyn ka ciyaaray la dagaalanka Wahaabiyada uu taageero Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa hadda ku ciirsan doona isla wadankooda. Waxana jira inay durba qaylodhan u dirsadeen madaxweynaha Suuriya.

Xagjir Taram ayaa fasaxaada kadib Tayib Erduqaan ugu hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga haddii uu ku dhaqaaqo inta loo fasxay mooyee in dheeraada.


Dawlada Suuriya ayaa dalbatey in ciidamada ajaanibta ee ay ku jiraan Maraykanka, Carabta iyo Turkidu ka baxaan dalkeeda si ay nabada ugu soo celiso.

Tayib Erduqaan ayaa ah kan ugu dambeeya ee welli faraha kula jira Suuriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.