X

Ilhaan Cumar oo si rasmiya u dalbatey furiin

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ugu dambeyn dalbatey in laga furo ninkeeda kadib markii ay ku soo baxdey saxaafada Maraykanka in nin ay ololaha ku wada jiraan ay hoos ula socotey.


Ninkaas ayaa sheegay in aanu jirin wax dhaafsan wada shaqayntaas sida galmo oo kale. Haweenayda uu qabay ninkaasi Ilhaan u ahaa maamulaha ololaha ayaa iyaduna dalbatey in laga furo.

Ilaa intii Ilhaan noqotey xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Minasoota waxa ku socotey eedaymo ah in ay Laba nin ku qoran tahay inay guursatey halka nin keliya ay sharciga gaalada la martey oo ah ninkan hadda iska fureyso.


Waxa wararkaas wax u dhimeen qoyska Ilhaan qaasatan caruurteeda oo saxaafadu u diidey in ay nolol fiican ku noolaadaan. Taasi waxay cadaadis ku keentay labada lamaane oo aakhirkii ay keentay in nolosha laysku fahmi waayo.

Ilhaan ayaa ka dalbatey maxkamada in sadexda caruura ay wada ilaashadaan oo labadooduba masuul ka yihiin.


Marka aad wadan gaalo wax Ka noqoto ayaa dhibka noocani yimaadaa waxayna la qabtaa dadka kale. Waana nasiib daro in reer degani sidan ku dhamaado ayuu yiri Rashiid Ceelaanyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.