08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Telefishanka Horncable ee laga leeyahay Hargeysa oo kacay hawadana ka baxay

Telefishanka Horncable ee laga leeyahay Hargeysa oo kacay hawadana ka baxay sida ay sheegayso xog ku dhow telefishanka oo baryahanba waday been qabiilaysan oo iskudiraya qabiilada Somalida.

Telefishankan oo muddo ku jirey hawada caalamka ayaa loo raadinayaa lacag dib loogu soo celiyo hawada caalamka. Telefishanka ayaa markiisii hore lagu waday feedh iyo laad iyadoo ayna jirin wariyeyaal khibradleh oo ka shaqeeya, ayna uinta badan haysatay shaqaale yaqaan dhinaca farsamada.

Telefishankan oo xaruntiisu Hargeysa ayaa inta badan loo adeegsadaa dagaalkii SNM ku soo qaaday magaalooyinka Somaliyeed sida Hargeysa iyo Burco iyagoo hub iyo lacag ka soo qaatey taliskii dhacay ee macangaga ahaa ee Mingiste.

Nin aan waraysanay ayaa sheegay in aan telefishankaas cidi u aayayn ee uu kala maqnaan doono ummada Somaliyeed nacaybkii uu faafin jirey iyo iskudirka uu ku hawlanaa had iyo jeer.

Telefishankan ayaa hadda laga daawadaa agagaarka Hargeysa oo kaliya, waxayna xogtu intaas ku daraysaa in ay adagtahay in muddo ah in ay ku soo noqdaan hawada caalamka hadayna helin taageero lacageed oo deg dega.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS