11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Telefishanka Masar oo laba haweena u sheegay in ay isa soo caateeyaan

Telefishanka dalkaadi Masar ayaa u sheegay haweenka ka shaqeeya in ay is caateeyaan si qurxoona u labistaan. Dhowr haweena ayaa sidan loo sheegay oo ay Ku jirto gabadha sawirka hore aad Ku aragteen.

Telefishanka oo ay madax ka tahay haweenay iyadu markii hore wararka Iyo barnaamijyada sii dayn jirtey ayaa soo rogtey talaabadan.

Waxa shaqada telefishanka laga fadhiisiyay laba haweena. Haweenkii la fadhiisiyay ayaa dalbaday in loo garqaado iyaga Iyo haweenayda Ku sheegaysa in ay buuran yihiin.

Dadka Masar ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay haweenkan lava joojiyay shaqada laakiin loo ogolaaday in mishaharka la siiyo.

Dadka qaar ayaa taageeray halka kuwa kalana sheegeen in tayada telefishanka Koowaad aanu ahayn, dadka warka sheegaya ee ay tahay barnaamijyada ay sheegayaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS