November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Tigree awood milatari male uu magaalo ku haysto waa maxayse bandowgu?

Itoobiya ayaa maalintii labaad ku jirta bandow kadib markii magaalooyin ku yaal gobolka Axmaarada ay falaagada Tigreegu dhuumasho ku soo galeen kadibna ay xasuuqeen dad shacaba oo qowmiyada ay yihiin ay u dileen.




Axmaarada ayaa ku hanjabtey inay eryi doonto dhamaan Tigreega ku nool deegaanadeeda haddii ficilada noocaasa ay mardambe dhacaan. Waxay dhinaca kale qabaan haddii Tigreegu sidan ku socdo inay maabkaba Itoobiya ka tiraan.

”Tigreega ayaa ah tiro aad u yar marnaba ma dhacayso inay xukunka Itoobiya dib ula wareegaan, waxayse awoodaan inay gaystaan xasuuqyo sida kan Kombolja oo kale ah ayuu yiri Xuseen Warsame waana ta keentay in bandow la soo rogo dadkana la faro inay soo sheegaan cida guryaha ka kiraysanaysa ayuu raaciyay.



Magaalooyinka waaweyn ee Itoobiya ayaa shacabka la faray inay soo sheegeen haddii ay jiraan cid ayna garanayn oo meel ku aruursan. ” Keliya waxa laga hortagayaa inuu dhaco xasuuqaas oo kale, waxana la hubinayaa in wadooyinka waaweyn ee soo galaya caasimadaha ay amni yihiin ayuu yiri Xirsi Warfaa.



Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaan rabin in xidido siibin dadka shacabka ee Tigree ku nool, waxase uu sheegay in calooshood u shaqaystayaal cadaana ayaa dagaal kooban ku arkeen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS