X

Tigreegii ugu badnaa oo isa soo dhiibey iyo Tigree ka banaanbaxay Addis ababa

Waxa maalmihii ugu dambeeyay isa soo dhiibey Tigreegii ugu badnaa o ka soo yaacay furimaha lagu soo shubey. Tigreegan oo u badan caruur iyo hawen aan xitaa qoriga qaadi karin ayaa ah kuwii reer galbeedku lahaayeen waxay qabsanayaan caasimada.


”Waxaan ka faaiideysanay cafiskii uu fidiyay raiisal wasaare Cabi Axmed oo muddo laba usbuuc ku dhow ku sugan aaga dagaalka siiba aaga wadada dheer ee toos u aada Maqale ayuu yiri nin u hadlay askar farabadan oo isa soo dhiibey.

Dhinaca kale waxa maanta banaanbax xoogan ka dhigey Addis ababa Tigreegii ugu badnaa oo dalbanaya in sharciga la horkeeno Tigreega dagaalka geliyay dalka.


”Dadkan ayaa ku dhawaaqaya anagu waxan nahay SHACAB dooni meyno dagaal iyo tuugada nagu qaraabanaysa ee barakicisay sharciga hala horkeeno. Waxay akloo cambaareeyeen beenta joogtada ee reer galbeedka oo hadda qirsan beentoodii inay guul degdega abuurtey.


”Cabi Axmed ayaa ugu baqqay hooyooyinka Tigreega inay soo doonan meydka caruurooda ee ay dib ula noqdaan, waxase dhexda u jooga tuugada Tigreega ee reer galbeedku wato ayuu yiri Xirsi Warfaa marka waxay ku jiraan go’doon.



Guulihii ugu weynaa yaa ciidanku ka gaaray mudadi Cabi Axmed uu aaday furinta dagaalka. Waxa hadda laga sifeeyay ku dhawaaad 15 magaalo oo dhaca wadooyinka waaweyn. Dhawaan waxa imaanaysa in magaalooyinka waaweyn ee harsan aan rasaasbna lagu ridin ee ay isa soo wada dhiibaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.