X

Awooda ciidan ee dalka oo korodhay iyo Amisom oo ka dhididsan Turkiga

Waxa intii dawlada hadda jirtaa aad u kordhey awooda ciidanku ku qabsan karo magaalo kuna haysan karo ayadoo aad loo kordhiyay tayada ciidanka iyo dhinaca is gaarsiinta oo sahashay in la ogaado gaadmada dhiigmiratada shabaab.


Haddaba waxa horumarka iyo tayada ciidan ee kordhaysa ka dhididsan Amisom oo raba inay toban sanno oo kale ay ku ciyaaraan xornimada dalka iyo aayihiisa. ”Marnaba kuma faraxsana joogitaanka Turkiga iyo tababarada  ay fidiyaan.



”Tayada ciidan waxa kordhisay dawlada hadda jirta ayuu yiri Cali Calasow.

Waxase welli lagala dagaalamayaa dhinaca hubka ayuu raaciyay. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa dagaalkii urur diimeedka sheegta Ahlu sunn ay ku qaadeen Guriceel iyo sida loo soo afjaray.


Waxa kale oo tusaalooyin badana goobaha ay ciidanku la wareegayaan.. Dhiigmiiratada wahaabiga ah ayaa u wareejay dagaalkoodii dhinaca malcaamadaha taas oo u baahan in laga hortago.



Maalmihii u dambeeyay waxa dalka ka baxay ciidamo si xooga loo soo tababarayo halka kuwo kale oo soo dhamaysteyna ay dalka ku soo noqdeen inkastoo xaqwliga tababarku muddo qaadan karo.

”Ciidanka waxa u dhiman keliya in la qalabeeyo dhinaca is gaarsiintana la hagaajiyo ayuu yiri Xuseen Warsame

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.