X

Tirada dadka ku dhintey doonyihii Jabuuti oo korodhey

Wararki u dambeeyay ee ka imaanaya dadkii ku dhintey doonyihii Jabuuti ka baxay ee degay ayaa la xaqiijay in tirada dhimatey ay hadda korodhey. Waxa la aaminsan yahay in tirada saarnaa domahaas ay gaarayeen 180 qof.


Laanta Qaramada Midoobey ee u qaabilsan naftood haligeyaasha ayaa sheegtay in meydadka 52 qof laga soo saaray badda taas oo kordhibeysa tirada meydadka la helay.


Waxay hay’addu dhinaca kale sheegtay in 16 qof laga,soo badbaadiyay mashaqada ka dhacdey halkaas.

Afhayeen u hadlay hay’adan ayaa,sheegay inay cadahay khatarta,ay leedahay in la haligo naftaada, wuxuu ugu baaqay kuwa soo socda inay si qotodheer uga fekeraan inay faaiido u leedahay in la isa soo tuuro.

Doomahan ayaa qalibmey waxyar kadib markii ay ka baxeen goobtii tuuganimada ay ku joogeen iyagoona dhaafin gobolka Obokh.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.