X

Tirada guud ee cudurka Kooro oo sii korodhey dalkoo dhan

ARAABINEWS

Warbixintii u dambeysay ee ay bixisay wasaarada caafimaadka ee dawlada dhexe ayaa lagu sheegay in tirada guud ee cudurka Kooro ee dalka ay sii korodhey. Waxa tiradii ugu badneyd laga helay Koofur galbeed oo noqotey 24 xaaladood.


Gobolada kale ee dalka ayaa iyagana ay sii kordheysaa tirada guud sida Somalilaan oo 14 xaaladood ah, maamulka Butlaan oo 13 xaaladood ah.

Gobolka Banaadir oo ahaa aabaha cudurka Kooro ayaa isaguna maraya 13 xaaladood. Gobolada Jubba iyo Galmudug oo aan welli la geyn qalabo fiican ayaan tiro saxa laga hayn. Tirada guud ee dalka ayaa 1294 qof.


Wasaarada aya mar labaad ku talisay in la raaco awaamiirta dhaqaatiirta inkastoo talaabooyinka la qaaday ay inta badan ku dhaceen masaakiinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.