X

Tirada Itoobiya ee qaaday hargabka Koora oo korodhey

Wasaarada caafimaadka ee Itoobiya ayaa xaqiijisay in tirada dadka qaba hargabka Koora ay sii korodhery oo hadda ay taagan tahay 12 qof. Tani ayaa imaanaysa markii qofkii labaad laga helay hargabka Koora. Ninkan ayaa la sheegay inuu ka yimi Dubay.


”Wuxuu ahaa 34 jir ka yimi Dubay oo aan dhaqtarna tegin ilaa uu dareemay calaamadaha cudurka Koora ee qufaca iyo xumadda saaidka ah ayuu yiri afhayeen u hadley wasaarada.

Bukaanka ayaa lagu hayaa isbitaal gaara oo loogu talogalay dadka uu soo ritey xanuunka Koora ee ka soo bilaabmey Shiinaha, waxayna sheegeen in xaaladiisu fiican tahay.


Ninkan ayaa la rumaysan yahay inuu la kulmay 15 qof oo hadda lagu takoorey meel gaara. Dadka cudurka Koora keenay ayaa dhamaantood ka yimi Imaaraadka.

Qofkii ugu horeeyay ee Itoobiya cudurka Koora keena ayaa ahaa nin Jabaaniisa oo ka yimi galbeedka Afrika. Dhamaantood xaalkoodu waa fiican yihiin aan ka ahayn aan ka ahayn haweenay 85 jir ah oo lala tacaalayo.


Wasaarada caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in laba Itoobiya ay Talyaaniga ugu geeriyoodeen cudurka Koora. Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa ku dhawaaqay in dalka xadkiisu xiran yahay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.