X

Tirada uu soo ritey cudurka shuban biyoodka oo korodhey

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in tirada uu soo ritey cudurka shuban biyoodka ay sii korodhey. Takhaatiirta magaalada ayaa ka waramay xaalada shuban biyoodka oo inta badan laga qaado nadaafad xumada.


Dr Cabdixakiin Cabdullaahi ayaa saxaafada u sheegay in tirada dhimashada oo caruur u badan ay gaaraysa lix halka 52 welli la jiifaan xanuunka. Tirada guud ee qaaday ayaa ahayd 73 ayuu yiri.


Tirada guud ee cudurku riteyna ay gaarayso 12 qof oo ku Kala nool deegaano hoostaga Beledweyne. Waxa jira dadaalo aan badneyn oo lagu xakamaynayo cudurka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.