X

Tirada xasuuqii ay argagixisadu gaysatey oo sii korodhey

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Afgooye gaar ahaan agagaarka isbitaalka Xaawo Cabdi ayaa sheegaya in qaraxii argagixisadu ku xasuuqdey dadkeena oo hadda sii korodhey. “Waxa hadda dhimashada gaartey 10 qof ayuu yiri masuul u hadley dawlada.


Argagixisada mujrimiinta ah ayaa maanta qarax u dhigtey gaari ay saarnaayeen dad shacaba oo sida la sheegay dad badani ka badbaadin. Waxa qaraxu saameeyey dad kale oo iyaguna wadada marayay.


Dadka gaariga saarnaa ayaa dhamaantood ahaa ganacsato khudaarta ka keenta gobolka Shabeelaha hoose ee qaniga ah keentana Muqdisho si looga gato.


Dawlada ayaa waxaad ku martey in dhiigmiiratada argagixisada dalka laga sifeyn doono inkastoo laga joojiyay hawlgaladii dalka lagu xoreyn lahaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.