X

Gudoomiye la ogaaday in xaaskiisu dishey iyo sida wax u dhaceen

Waxa magaalada Muqdisho lagu diley gudoomiye xaafadeed sida ay sheegeen dadkii u dhawaa ee markii dambe ula cararay isbitaalada magaalada. Gudoomiye xaafadeedkan oo lagu magacaabi jirey C/qaadir Fooldibi ayaa xaaskiisu midi Ku dhaawacdey.


Waxa markii dambe uu u geeriyooday dhaawaca Ka soo gaaray mididaas. Sida lagu waramayo waxa xaaskiisu ka hinaastey booqasho uu C/qaadir ku joogey guri ay deganayd xaaskiisu hore, waxayna markiiba Ku weerartay midi.


“Waxay aad uga carootey sababta uu u tagey guriga xaaskiisa hore oo la sheegay inay caruur u lahayd. Booliiska ayaa sheegay inay hadda ku dabajiraan gacan ku dhiigleyda aan la sheegin magaceeda.

Waa arin laga argagaxay hinaasaha intaas leeg ee kalifay inay ninkeeda midi ku weerarto ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.