21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Tirakoobka ciidanka oo markii ugu horeysay la dhamaystiray

Tirakoobka ciidanka u badan Muqdisho iyo gobolada ku xeeran ayaa markii ugu horeysay la dhamaystirey. ”Madaxweyne dalkaan waxaa timi ciidanka o kariyoone lacagtooda lagu siiyo ama bilaa muishahara maantana waxay socotaa inay leeyihiin tirakoob casriga oo loo sameeyay gal xogta lagu aruuriyo.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray Xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka.




Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

“Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.”




Madaxweynaha oo loo soo bandhigay tusmooyin ka mid ah Diiwaanka Xogta Ciidanka ayaa daalacday gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS