12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Tirinta aftida laga qaaday Ingiriiska oo bilaabatey iyo natiijada oo soo baxaysa subaxa hore ee berito

Waxa bilaabmey tirinta aftida laga qaaday shacanka Ingiriiska in ay ka sii mid ahaadaan midowga Yurub iyo in ka baxaan. Walaaca dadka Ingiriiska ayaa u badan xuduudada dalka oo iska furan iyo Yurubta fiqiirka ah oo ku soo jabtey dalka taas oo keentay shaqo la’aan iyo shaqooyinka qaar oo ciriiri galay.

Si kastaba ha ahaatee lama hubo natiijada waxa ay noqon doonto iyadoo labada dhinac ee dooda ay isku dayeen in ay ku qanciyaan dadka sababta ay muhiim u tahay in ay ka baxaan ama ku jiraan.

Si kastaba ha ahaatee waxa laga baqayaa in Ingiriiska u codeeyaan in ay ka baxaan Yurub lamase garan karo natiijada u dambeysa waxa ay noqon doonto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS