X

TPLF waxay weerarka bilowday xilli aan lacagta cusub ka dejinay Tigree: Cabi Axmed

Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa guulo ka sheegtay canaasiir Tigree ah oo weerar fashilmey ku qaaday ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Tigreega iyo gobolka Axmaarada. ”Dhamaan waan soo afjaraynaa canaasiirta Tigreega sheegata ee dagaalka ku qaaday ciidanka ayuu yiri Cabi Axmed.


Tigreega oo sidii Cabi Axmed u qabsadayba bilaabay waan go’aynaa ayaa weerar diciifa ku qaaday ciidanka Itoobiya ee fadhiya gobolkooda iyo weliba gobolka ay jaarka yihiin ee Axmaarada.

Maleeshiyada Axmaarada ayaa iyaguna is hubeeyay una diyaar noqdey inay difaacdaan dhulkooda. Dagaalka u dhexeeya Tigreega iyo dawlada Itoobiya ayaa salka ku haya siyaasada furfuran ee uu la yimi Cabi Axmed ee ay kow ka tahay la heshiisiinta Eritatiya, dib u dhiska gobolka Somalida iyo kala diristii xisbigii EPRDF oo lagu yaqaanay xasuuqa farabadan iyo tacadi ka dhanka ah dadka.


”Waan isku daynay inaan dagaal iska ilaalino waxayse bilaabeen inay weeraraan ciidanka qaranka ayuu yiri Cabi Axmed.

Bandoo la soo rogey

Dhinaca kale barlamaanka Itoobiya ayaa bandoo ku soo rogey gobolka Tigreega si loo sugo amniga. Gaalada waaweyn ayaa durba gurmad ka bilaabay Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee Tigreega ayaa isku furey bad ayna ka baxay, waxayna noqonaysaa in markooda hilfaha loo qaado.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.