Mudawakh Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa kulmey markii ugu horeysay. Trump ayaa bilo kahor ku hanjabay inuu burburin doono Kuuriyada Woqooyi halka Kim ugu jawaabay in duqan gaboobey aanu talaabo qaadi karin.
Labadan Hogaamiye ayaa ku kulmey Singabuur halkaas oo la sheegay in kharashka ku baxay uu kor dhaafay 30 milyan oo doolar.
Is araga labada hogaamiye kadib ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ama sida caadiga ah Trump oo la hadli doona saxaafada.
Lama filayo inay ka soo baxaan wax khaasa waxase kulankan uu yahay is barasho iyo is niyad xaarasho. Trump ayaa raba in Kuuriyada Woqooyi hubka dhigto qaasatan nukliyeerka iyo gantaalaha qaada, halka hogaamiyaha da’da yar la sheegay inuu rabo baanqaad ah in Maraykku soo weerarayn.
Iiraan ayaa uga digtey hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi khiyaamada ku dhacdey Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS