War deg dega: Trump oo markale guuldaraystey iyo xaakin diidey amarkiisa Somalida uu ku xanibayo. Tani ayaa imaanaysa iyadoo Trump isku dayayo in uu soo rogo sharciyo cunsurinimo ku dheehan tahay.
Trump oo ah madaxweynihii ugu jaahilsanaa ee soo mara Maraykanka ayaa soo rogey amaro is xiga oo intiiba uu ku guuldaraystey kadib markii xaakinada maxkamaduhu ay diidaan.
Amarkii u dambeeyay ayaa waxa hadda diidey joojiyayna xaakin ku yaala gobolka Hawaay oo ka mida ahaa dhowr gobol oo ku baaqay in ay diideen.
Xukunka xaakinka ayaa imanaya xilli ay saacado yar ay ka harsan yihiin intii amarka Trump hirgeli lahaa waxayna guul u tahay dadka badan ee mudada sugayay.
Lama garan karo waxa u haray Trump ee u yeeli doono. Xaakinka ayaa sheegay in sharcigu ka soo horjeedo dastuurka dalka Maraykanka dadkana ku diidey halka ay ka soo jeedaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS