November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Turkiga oo basas ugu deeqay dawlada Somaliya: SAWIRO

Iyadoo daraad uu yimi Muqdisho madaxweynaha Turkiga ayaa safiirka Turkiga iyo kan Somaliya kala saxiixdeen gawaadhi basas ah oo ah nooca lagu sameeyo Turkiga laguna wareejay dawlada Somaliya.

Lama sheegin cadadka basaskani laakiin loo adeegsan doono daabulida Ciidamada iyo duruufaha gaarka ah.

Basaskaani loogu deeqay Somalia ayaa waxaa loogu tallo galay in Ciidamada Militeriga lagu geeyo goobaha furumaha waxaana sidoo kale loo isticmaali doonaa xiliyada ay ciidamada isbedeli doonaan shaqooyinka.

Gaadiidkaani ayaa waxaa sidoo kale wax ku leh Ciidamada Boliska Soomaaliyeed oo iyaguna lagu kala geyn doono goobaha shaqooyinkooda.

Heshiiska Gaadiidkaani ayaa waxaa dhanka Dowlada Somalia u saxiixay Danjiraha Somalia ee dalkaasi u fadhiya C/llahi Sambaloolshe.

Deeqda Gaadiidkaani ayaa kusoo aadeysa xili Dowlada Somalia ay baahi saa’id ah u qabto helida gaadiid noocaasi ah, inkastoo Dowlada Turkiga ay walaac ka qabto in gaadiidkaasi loo adeegsado qaabab khaldan.

Bas3[1]

Bas1

Bas2

Bas3

Bas4

Bas5

WArbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS