X

Turkiga oo gawaadhi gaashaaman ka iibiyay Kiiniya iyo maraakiib uu xeebteena

Sida ay qortey wakaalada wararka ee Turkiga, Kiiniya ayaa Turkiga ka soo iibsanaysa gawaadhida gaashaaman oo farabadan lacagtooduna ku kacayso 70 milyan oo doolarka Maraykanka.


Kiiniya ayaa sheegtay inay gawaadhidaas u isticmaali doonto ilaalada xad beeneedka u dhexeeya Somaliya iyo Kiiniya. Turkiga ayaa dhowr ka mida gawaadhidaas ugu deeqay ciidanka qaranka gaar ahaan gorgor.

Gawaadhidan oo aan miinadu karin ayaa ciidanka Gorgor ku maraa meelo buuralay ah. Dabcan Somaliya oo u baahan hub ay ku meelayso amniga qaranka ayaa wadamada uu ugu horeeyo Ingiriisku ku hayaa cunaqabatayn.


Dhinaca kale barlamaanka dalkaasi ayaa ansixiyay in maraakiibta badda loo diro xeebta Cadan iyo ta Somalida. Waxa la sheegay in dawlada Somaliya ka codsatey ilaalinta xeebaheeda. Dhowr jeer oo hore ayaa talaabadan dib loo dhigey.

Waxay noqonaysaa guul u soo hoyatey Somaliya oo muddo 30 sano ay jaqayeen kheyraadka indhayarta reer Yurub iyo Iiraan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.