X

Turkiga oo geedaha ka baaraya meydka Jamaal Kashooqi iyo codkii dilka cid lama wadaagin

Turkiga ayaa hadda xooga saaray in la helo meydka suxufi Jamaal Kashooqi oo la khaarajay bishan horaanteedii ilaa haddana laga quustey in la helo meydkiisa.

Ciidamada booliiska dalkaasi ayaa hadda bilaabay inay baaraan dhulka dhirta jiqda ee ku heersan badda Marnara iyo gobolada u dhow.


Turkiga ayaa sheegay in mid ka mida gawaadhida ka baxay qunsuliyada aan u soo noqon. Lama garanayo in meydka hore loo sii qaatey markii qurub qurub loo jarjaray.

Waxa soo baxay muuqaalo cusub oo muujinaya dhaqdhaqaaqii gawaadhidaas oo xawli ah markastana u dhexeeyay dhismaha qunsuliyada iyo guriga qunsulka.


Wasiirka arimaha dibedda ayaa sheegay inay hayaan cadeymo muuijaya dilka oo cod ah welina ayna la wadaagin aduunka. Wuxuu beeniyay inay Maraykanka la wadaageen.

” Maya cid aan la wadaagney ma jirto codkaas dilka iyo cadaymaha xasuuqa ee aan hayno oo ay ku jirto sirdoonka Maraykanka, waanse la wadaageynaa aduunka ayuu yiri wasiir Mevlut

Sucuudiga ayaa la sheegay inay Turkiga u balan qaadeen balaayiin doolar iyo mashruucyo haddii ay tirtiraan codkaas.


Maraykanka iyo Yuhuuda oo saaxiibo la ah gacanku dhiigle Salmaan ayaa u raadinaya qiil cidkale lagu eedeeyo si hogga looga saaro.

Si kastaba ha ahaatee Turkiga ayaa sheegay in natiijada baaritaanku soo bixi doono xilli aan dheerayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.