X

Dr C/raxmaan Bayle oo ka waramay kulan uu la qaatey madaxda Ingiriiska iyo jaaliyada

Dr C/raxmaan Bayle ayaa ka waramay kulan uu la qaatey madaxda Ingiriiska iyo jaaliyada Somaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska. Dr C/raxman Bayle ayaa xalay la hadley jaaliyada Somaliyeed o marti shafrey.


“Waxaan Magaalada London kula kulmay Madaxda Dawladda Ingiriiska sida Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madax kale oo aan kala hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Dalkeena Soomaaliya”ayuu yiri wasiirka Maaliyada.


Dhinaca kale Wasiir Dr C/raxmaan Ducaale Bayle oo ka hadlaayay kulanka uu la qaatey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska ayuu sheegay in ay ka wada hadleen caawinta iyo horumarinta Dalka Soomaaliya.

Wasiir C/raxmaan ayaa ugu wacnaa in reer galbeedka aminanan hanaanka maaliyadeed ee dalka, waxana dalku ku socdainay ka cafiyaan lacagta RIBADA ee ay dulsaarteen lacagihii dalka la siiyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.