X

Turkiga oo ka qayliyay Qadar

Turkiga iyo Qadar ayaa labaduba meelo badan isku si u arka, waxayna wadaagaan urur diimeedka akhwaan Muslimiin ee xididkiisu yahay Masar, waxase hadda xiriirkaas adkaa halis ku noqdey idaacada Al-jasiira qaybteeda Ingiriiska.

Erduqaan ayaa u tafoxaytey markii wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka ay u xadhko xirteen inay Qadar hawada ka saaraan waxayna la gaartey cuno iyo agabyo u muhiima nolosha caadiga ah.


Iiraan ayaa iyaduna mid taas la mida samaysay inkastoo xiriirka Iiran sidaas u weynayn. Qadar oo celinaysa abaalka Turkigu u galay ayaa dejisay dhaqaalaha Turkiga oo Maraykanku dhulka la galay markii ay siisay lacag gaaraysa 5 bilyan oo doolar.

Qadar iyo Turkiga ayaa ka wada qayb qaatey dagaalka Suuriya ayagoo wata maleeshiyada urur diimeedka akhwaan ee ay ku magacaabeen ”ciidanka xorta ah ee Suuriya. Dagaalkaas way ku jabeen markii Ruushku soo galay Suuriya laguna guulaystey in la jabiyo argagixisada.


Ayadoo xiriirku welli fiican yahay ayaa Turkigu cabasho ka muujiyay idaacada Al-jasiira oo wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadku ka qayliyeen. Idaacadan ayaa hawlgalka Erduqaan ee Kurdiyiinta ku tilmaantey mid isir sifeyn ah ayadoo raacaysa idaacadaha reer galbeedka iyo Yuhuuda.

Turkiga ayaa dareensan inuu dhulka dib ugu soo celinayo Carabtii Kurdiyiintu ku barakicisay magaca argagixisada, waxayna u arkeen tafaftiraha Al-jasiira qaybta Ingiriiska mid ay ka lunsan tahay wadadu.


Weriyeyaasha u shaqaeeya Al-jasiira qaybta Ingiriiska ayaa iyagu ka yimi wadamada gaalada, waana waxa ku kalifay in dadka daawanaya ee dalalkoodii hore ay la raacaan fikirka qaldan ee ay tabiyaan idaacadaha gaalada ee VOA iyo BBC.

Turkiga ayaa dareensan in xiriirku sidan ku sii soconayn haddii Turkida laga dhigo kuwo wax dulmaya halka Kurdiyiintana noqdaan kuwo dulman.


Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa sida xiriirku u sii socdo. Waxase muuqda in urur diimeedka Turkiga haysto hadda uu aakhirka daaqada ka saari doono dalka, ayadoo hadda dalku haysto hal dawlad weyn oo taageerta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.