X

Turkiga oo ku hanjabay inuu xirayo saldhiga Maraykanka ee dalkooda

Dawlada Turkiga ayaa Ku hanjabtey inay xiri doonaan saldhiga weyn ee Maraykanku ku leeyahay dalkooda gaar ahaan deegaanka Incirik. Saldhiga oo la furey muddo aad u fog ayaa Maraykanka uga faaiideystay inuu ku ilaashado Carabta iyo Yuhuuda ugana duulo dalalkii uu burburiyay ee Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya.


Turkiga ayaa sheegay haddii xagjir Taram saaro cunaqabatayn in iyaguna xiri doonaan saldhiga oo la sheegay inay yaalaan gantaalaha nukliyeerka oo loogu talogalay in lagu rido Ruushka ama awoodii hore ee midowga Soofeeti.

Maaha markii ugu horeysay ee Turkigu xiro saldhigan, waxana markii ugu horeysay la xirey sanadkii 1975 kadib markii Maraykanka Ku soo rogey Turkiga cunaqabatayn.


Xagjir Taram ayaa ka xanaaqay gantaalaha lidka diyaaradaha ee Turkigu ka soo iibsaday Ruushka, wuxuuna rabaa in Turkigu isticmaalin halka Turkigu sheegay inay soo badin doonaan oo ayna hubka u soo iibsan inay daawadaan.


Waxa keliya ee la sugaa waa sida uu yeelo xagjir Taram iyo inuu saaro cunaqabatayn uu hore u sheegay ay noqon doonto mid curyaamisa Turkiga. Maraykanka ayaa warkani ku yahay naxdin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.