X

Turkiga oo la heshiiyay Sacuudiga iyo waxa sababay

Madaxweynaha Turkiga Rajab Erduqaan ayaa ka degay Sacuudiga kadib markii ay ka wada heshiiyeen xiisad foolxun oo ka dhacday isla dalka Turkiga halkaas oo qunsuliyad ku dhextaala lagu dilay muwaadin Sacuudi ah.


”Turkiga iyo Sacuudiga ayaa xiriirkoodu aad u xumaaday markii Turkigu diiday inuu saaro cunaqatayn Qadar oo Wahaabiyiintu saareen, waxase ka sii darnaa markii Turkiga dhexdiisa lagu diley nin saxafi ah.

Haddaba maxaa is bedelay oo hadda so dedejiyay xiriirkooda.


”Turkigu wuxuu rabaa inuu ka faaiideysto Suuqaa Sacuudiga ee u xiran reer galbeedka wuxuuna rabaa in iibgeeyo maciishadiisa ayadoo haddda filimadiisda aad looga daawado dunida Muslimka ah ayuu yiri Xuseen Warsame.

Tan ugu weyna hadda Sacuudiga iyo Qadar waa heshiis. Waxa Turkigu isna meesha ka saaray inu dalkiisa ku maxkamadeeyo qaar ka mida ragga lagu tuhunsan yahay dilka saxafiga Sacuudiga ah.


Sacuudiga ayaa isna dareensan inaanu ka maarmin kaalinta Turkiga uu haddana helo quwad milatari oo daacada maadaama uu ku jabay dagaalka uu kula jiro Yaman.



Xiriirka uu la leeyahay Maraykanka oo aad u liita weliba maamulka hadda jira ayaa keenay inuu aruursado wadamo badan oo ay ku jiraan kuwii uu hore ula colaabay.

Marka waa siyaasad labadaba dhinac dan ugu jirto ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.