21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu qarinayo cudurka hargabka Shiinaha

Xilli wadamada jaarka lah Turkiga sida Giriiga iyo Iiraan uu ku faafay cudurka hargabjka Shiinaha ayaa Turkiga lagu eedeeyay inuu qarinayo cudurka oo dalkooda uu soo gaadhay.



”Muwaadin Somali ah oo ku nool Turkiga ayaa qaba in la gaaray xilligii Somaliya mamnuuci lahayd diyaarada ka timaada Turkiga ee toos u tagta Muqdisho waayo cudurka ayaa siyaasad galay.

Wadamada jaarka la ah Turkiga ayaa qaba in cudurku Turkiga gaaray laakiin ayna dooneyn inay sheegin si ayna wax ugu dhimin dalxiiskooda.



”Turkigu wuxuu ku faanaa in sanadkii hore ay dalkiisa yimaadeen dalxiisayaal gaaraya ilaa 10 milyan marka macquul ma tahay in cudurku aanu dalka soo gaarin ayay leeyihiin dawladaha dhaliilsan.

Sawirka hoose waa madaarka ugu weyn Turkiga



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS