X

Turkiga oo looga digey inuu ciidamo u diro Liibiya

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa wacad Ku maray inuu ciidankiisa u diri doono Liibiya si uu u xoojiyo ururka akhwaan muslimiinta ee jooga caasimadda ee ay isku urur diimeed yihiin. Waxa caasimadda culays xoogan soo saaray ciidanka uu hogaamiyo hogaamiyaha adag ee Jeneraal Khaliif Xaftar.


Hogaanka fadhiya caasimadda Tiriboli ayaa dhawaan heshiis ay Ka xanaaqeen Giriiga iyo Masar la saxiixdey Turkiga kuna saabsan in iyaga iyo Turkiga ay xaq u leeyihiin inay saliid Ka raadsadaan biyaha u dhexeeya labada wadan.

Dayib Erduqaan ayaa sheegay inuu ciidamo difaaca u diri doono hogaamiyo Siraaj oo akhwaan muslimiina haddii uu Ka codsado. Dayib Erduqaan ayaa hore u gubey Suuriya markii uu hubeeyay jabhad uu u bixiyay ciidanka xorta ah ee Suuriya oo hadhaagoodii joogo gobolka Idlib ee hadda ciidamada Suuriya garaacayasn.


Jeneraal Khaliif Xaftar ayaa dadka badankiisa qabaan inuu Liibiya u fiican yahay kana difaaci Karo argagixisada inay saldhigado dalka.

Afhayeen u hadley Tuunisiya ayaa uga digey Dayib Erduqaan inuu qas ula yimaado gobolka, dadka reer Liibiyana aqbali doonin ajaanib ka barbar dagaalama.


Dayib Erduqaan ayaa isku dayay inuu kaga takhaluso Jeneraal Khaliif Xaftar dhowr mar asagoo Ku weeraray diyaaradaha aan is wadin.

Ruushka ayaa ku baaqay wadahadal uu la galo fudude Dayib Erduqaan intaanu ciidankiisa u dirin Liibiya. Waxase muuqata in Dayib Erduqaan isku furayo furimo kale ayadoo tii Suuriya iyo Maraykanku dhamaan ayuu yiri Xuseen Warsame. Waxana dhacaysa inuu aakhirka dalka geliyo go’doon siyaasadeed oo haddaba uu ku jirto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.