X

Turkiga oo Maraykanka ka caawiyay qalab hargabka lagu baadho

Ayadoo cudurka hargabka Shiinaha uu faro ba’an ku hayo wadamada Yurub ayna ugu daran tahay Talyaaniga ayaa Turkigu sheegay inuu Maraykanka ka caawiyay qalab lagu baadho hargabkaas oo natiijada lagu ogaanayo 10 daqiiqo.


Talyaaniga iyo Iiraan ayaa inta badan gaarsiiyay aduunka cudurka hargabka ee ka bilowdey Shiinaha. Inkastoo Shiinuhu hore u sheegay inuu qalabkaas soo saaray waxase Maraykanka doortey inuu Turkiga ka iibsado.


“Waxaan Maraykanka u dirney 500,000 Shan boqol oo kun oo ah qalabka lagu baadho hargabka kadib codsi noogu yimi ayuu yiri wasiirka caafimaadka. Waxaan dhawaan ku balaadhin doonaa dalkoo dhan qalabkan si aan degdeg u ogaano ayuu yiri.


Si kastaba ha ahaatee Maraykanka ayaa ku fashilmey inoo soo saaro qalab uu Ku baadho dadka qaba caabuqa. Halka dal Muslim ah faaiido weyn ka helay caabuqan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.