X

Turkiga oo sheegay inay ku guulaysteen samayska motoorka taangiga

Waxa in sanado ahba Turkigu ku taamayay inay samaystaan taangi ay iyagu leeyihiin. Inkastoo ay boodka sameeyeen waxay ku guulaysan waayeen inay saaraan motoor dhaqaajiya taangiga ay rabaan, waxayna u caawimo tageen Koofurta Kuuriya iyo Yukarayn.


Inkastoo ayna guul ka gaarin waxa Koofurta Kuuriya ogoaatey inay ka iibiso motoorka saaran taangiyada ay sameeyaan. Haddase waxa Turkigu sheegayaa inay ku guulaysteen inay sameeyaan oo ugu dambeyn kala furaan sancada motoorka taangigaas.


Turkiga ayaa u bixiyay taangiga ay maqaarka sameeyeen Altay, waxase saaran motoor Kuuriyaan halka qaarna uu saaran yahay matoor Ruushkii hore ah.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay warkan fiican.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.