X

Turkiga oo soo bandhigey diyaarad dagaal oo iyagu sameeyeen

Turkiga ayaa horumar ka sameeyay dhinaca diyaaradaha dagaalka kuna socda inuu la tartamo wadamada waaweyn ee iyagu horumarka ka fgaaray diyaaradaha dagaalka sida Ruushka iyo Maraykanka.

Diyaaradan oo ay samaysay shirkada mishiinada ee Turkiga ayay Turkigu ku sheegeen inay la mid tahay diyaarada ugu dambeysa ee Turkigu samayntiisa qayb ka yahay ee loo yaqaan F-35 taas oo hadda muran ka Jiro in Maraykanku ku wareejo.


Diyaaradan Turkigu sameeyay ayaa lagu soo bandhigey bandhiga diyaaradaha Baariis ee dalkaasi Faransiiska ee socon doona ilaa bishan 23-keeda.

Turkiga ayaa sidoo kale soo bandhigey helikobtaro iyo diyaaradaha aan la wadin. Turkiga ayaa qayb weyn ku lahaa diyaarada F-35 oo ay sameeyeen qaybo muhiima oo diyaaradaasi leedahay.


”Waa qorshaha Turkiga in diyaaradan ay bedesho tiirka diyaaradaha cirka ee Turkiga oo ah F-16 ayu yiri maamulaha shirkada TAI ee ah tan iyadu samaysay diyaarada.

”Waxaan rabnaa in aan noqono shirkadaha ugu casrisan Yurub ee samaynta diyaaradaha”.

Turkiga ayaa ku socda inuu noqdo dal la tartama wadamada gaalada ah dhinaca samaynta diyaaradaha iyo hubka noocyadiisa kala duwan.


Waxa lagu farxi karaa in Turkigu hadda leeyahay saldhiga samaynta diyaaradaha oo qalabka iyo tiknoolajiyaduba taalo dalka gudihiisa.

Soo bandhigida diyaaradan dagaal ayaa imaanaysa xilli Maraykanku ku gumaysanayo diyaarada F-35 oo Turkigu qayb weyn ku leeyahay samaynteeda.

Sawirka hoose waa diyaarada casriga ee dagaalka ee Turkiga

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.