X

Muuse Biixi maxaa ku qasbay inuu soo daayo xildhibaan Dhakool

Waxa maanta ooda laga qaaday xildhibaan Dhakool oo maamulka Muuse Biixi jeelka u taxaabay kadib markuu runta ka sheegay 18 May kuna tilmaamay maalin beel u gaara inkastoo hadda ayna jirin beel wada socota.

Xildhibaan Dhakool ayaa isagu diidey inuu bixiyo wax raaligelina. Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa isagu sheegay in loo diidey inuu soo arko.


Hadaba waxa arintan la socday dawlada Ingiriiska oo saaxiib dhow la ah maamulka Somaliland guud ahaan, waxayna amreen in ooda laga qaado waase iska dhega adaygey markii hore.

Waxa dad u dhow aqalka Muuse Biixi sheegeen in socdaal uu ku tegi lahaa ay galaafteen arimo balaaran oo ay ku jirto hadal uu yiri oo ah in cashuurta la idin keeno laga soo aruursho kaniisadaha.


Inkastoo taa SOmali badan ku amaaneen hadana waxa ka carooday taageereyaashiisa.

Waxa fadeexad weyna in la sii daayo waayo nidaam lagu sii daayay ma jirin maadaama markii horeba nidaam lagu xirin, tani oo dhigin fowdanimada maamulkan la baxay Somaliland.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.