X

Turkiga oo tijaabiyay raadaarka lidka diyaaradaha ee S-400 iyo qaylada Maraykanka

Turkiga ayaa markii ugu horeysay tijaabiyay raadaarka lidka diyaaradaha ee S-400 oo lagu tijaabiyay diyaarada loo yaqaan F lix iyo toban ee Maraykanku ku dhaarto.

Xildhibaano xagjira oo Maraykana ayaa dalbadey in cunaqabatayna la saaro Turkiga. Waa ku digasho uu ku duiganayo xagjir Taram ayuu yiri xildhibaan Maraykana oo ka cadhaysan tijaabada raadaarkan


Lidka diyaaradaha ee casriga oo aduunka aanu jirin kuwo u dhigma ayaa Turkigu ka soo iibsadey Ruushka kadib markii Maraykanka u diidey inuu ka iibiyo hubkiisa lidka diyaaradaha ee ku fashilmey inay Sucuudiga ka difaacaan gantaalaha Xuutiyiinta.


Raadaarka ayaa tijaabada si fiican u maray ayagoo wareegay isla markiina ogaadey nooca diyaarada dalka soo gashay. Maraykanka ayaa ka qayliyay diyaarada lagu tijaabiyay.


Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inayna hubka u soo iibsan in la daawado ee ay isticmaali doonaan isla marka ciidanka cirka uu tababarka u soo xirmo. Turkiga ayaa tijaabin doona isla gantaalaha laftooda dhawaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.