X

Turkiga oo war ka soo saaray qabashada haweenay la dhalatey argagixiskii Al-Baqdaadi

Sirdoonka Turkiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen haweenay ay walaalo yihiin argagixiskii weynaa ee Albaqdaadi oo xagjir Taram sheegtay inuu diley kadib markii uu galay hog aan melena looga bixi Karin.


Ilaa hadda ma sii deyn sida weerarku u dhacay iyo sheegashada ah in lagu aasay badda. Sirdoonka Turkiga ayaa sheegay in Rasmiya Cawad iyo qoyskeeda lagu qabtey gaadhi is-jiida oo ay ku noolaayeen.

Goobta lagu qabtey ayaa la yiraa Casiisa waxana gacanta ku haya Turkiga waxayna ka mid tahay gobolka Xalab oo ay joogaan maleeshiyada Akhwaanka ee Turkigu taageero.


Magaaladan ayaa lagu yaqaan goob ay soo maraan fuleyda argagixisada baxsadka ah iyo qoysaskooda si ay u galaan Turkiga ugana sii gudbaan Yurub oo magangelyo lagu siiyo.

Haweenaydan ayaa 65 jir ah lamana garan karo inta sir ah ee ay hayso iyo in argagixiskii ay walaalaha ahaayeen ka dhigey nolosheeda mid halisa.


Ma filayo inay sir farabadan hayso waxayse haysaa midka qoyskeeda iyo noloshii silica ahayd ee u mariyay ayuu yiri sarkaal u hadley Turkiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.