November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Turkiga oo waxbarashada dugsiyadooda wax badan ka bedelay iyo qaylada reer galbeedka

Turkiga ayaa waxbarashada dugsiyadooda wax badan ka bedelay iyo qaylada reer galbeedka ka soo yeeraysa. Turkiga ayaa bilaabey nidaam cusub sanad dugsiyeedkan kana guurey waxbarasho been ahayd.



Waxbarashada la baro caruurta soo koraya ayaa u badan mid uu ka buuxo fikradaha reer galbeedka ee qaldan kuna salaysan diin la’aanta ayadoo caruurta dugsiyada Muslimiinta la baro caqiiqada Darwin.

Darwin ayaa ahaa nin gaala oo jaahila oo tagey jasiirad xayawaano badan ku noolyihiin moodeyna in wax walba iskood u yimaadeen waxana qaatey gaalo farabadan oo aan caqliga ka shaqaysiin.



Fikrado qaldan oo noocaasa ayaa qarni loo dhigayay Muslimiinta oo aan iyagui la iman nidaam waxbarasho oo ay leeyihiin. Dhalinyarta oo raadinaya diin saxa ayaa u gacan galay kuwo banaysanaya dhiiga Muslimiinta sida argagixisooyinka isku midka ah ee Daacish, Shabaab, Boko Xaraam iyo kuwo kale.



Turkiga ayaa bilaabey nidaam cusub oo waxbarasho oo loo dhigayo caruurta inkasto uu ku salaysan nidaam urur diimeed oo hal dhinac kaliya wax ka eegaya.

Reer galbeedka laga saaray waxbarashadooda meesha ayaa qaylo dhaan ka soo saaray nidaamkan ama manhajkan waxbarasho ee cusub.

Rashjiid Ceelaanyo

ARAABINEWS